Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey shirka guddiyada DF iyo dowlad goboleed ee Baydhaba

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed waxaa galinka dambe ee maanta gaaray guddiyada farsamada ee xal u helidda khilaafka doorashooyinka.

Guddiyadan ayaa yeelan shir ay soo qaban-qaabiyay beesha caalamka, waxeyna guddigaan ka kala socda dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir ka arrinsan doonaan sidii xal loogu heli lahaa qodobada la isku mari weysan yahay ee ku hor gudban arrimaha doorashooyinka, isla markaana keenay fashilka shirkii dhuusamareeb 4.

Guddiga ayaa galabta yeeshay shir kooban oo furitaan ah, hase yeeshee waxaa laga war sugayaa guddiyo yar oo weli maqan, si shirka rasmi ahaan loogu furo.

Beesha Caalamka ayaa kulankaan ka ah kor joog, waxaana la doonayaa in xal looga gaaro arrinta gobolka Gedo oo ah tan ugu weyn ee ku hor gudban doorashada, sidoo kale guddiyadaan shirka uga socda waxey si toos ah ula xiriirayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Wararka hoose oo ay Caasimadda Online heleyso waxaa ka mid ah in xubno ka tirsan guddiga ay booqan doonaan gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, waxeyna doonaayaan iney soo qiimeeyaan xaaladda deegaanada lagu mursan yahay.

Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa isku raaci waayay hannaanka doorashada iyadoo wali aan dhinac loo bixin, beesha caalamka ayaana ka shaqeyneysa sidii la isugu soo dhawaan lahaa loona qaban lahaa doorasho wakhtigeeda ku dhacda oo loo wada siman yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this