Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Mindi ku hubeysnaa oo weerar ka geystay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faaa faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dhacdo gelinki dambe ee shalay ka dhacday, halka loo yaqaaano Tabeelaha Sheekh Ibraahim eee duleedka Muqdisho.

Wararka laha helayo, halka ay dhacdadu ka dhacday ayaa sheegaya in nin ku hubeysnaa Toorey uu dhaawacay seddex ruux oo isku qoys ah.

Saddexda qof ee la dhaawacay ayaa kala ah labo dumar ah iyo Aabihii dhalay, inkastoo markii dambe Aabaha uu u geriyooday dhaawicii soo gaaaray.

Dhacdadani ayaa timid, kadib muran soo kala dhex-galay qoyska & ninka dilka geystay oo goobta isaga baxsaday.

Goobta ay dhacdadu ka dhacday waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladd, kuwaas oo baadi goobayo ninkii ka dambeeyey falkaasi arxan darrada ah.

Mid ka mid ah ehellada dadka dhibanayaasha ah oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen.

Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/02/DHACDO-XANUUN-BADAN-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this