Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Ku-xigeenka Kuwaad Ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Shaaciyay Inuu Ku Biirayo Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay Xisbiga KULMIYE isla-markaana uu ku biirayo xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Sidaana waxa ku sheegay Qoraal War-gelin ah oo uu Caawa ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Facebook, kaasi oo uu ku sheegay in la Tashi badan oo uu sameeyay ka dib, go’aansaday in isaga iyo Taageerayaashiisu ku biiraan Xisbiga WADDANI.

Qoraalkaasi oo uu Arkay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan:-

Bismilaah Raxmaani Raahiim.

Aniga oo ah Mud. Ahmed Yaasiin Sh. Ali Ayaanle Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha wakiillada JSL, waxaan halkan ka wargelinayaa dhammaan shacabi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii aan la tashi badan sameeyay,  waxa aan go’aansaday aniga  iyo tageerayaasheyduba in aan ku biirno Xisbi-weynaha Heer Qaran ee Waddani, taasi oo bandhigeedu yahay maalinta salasada ee taariikhdu tahay 16ka bishan February 2021..”

Allaa Mahad Leh

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this