Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo qabatay Shir ku saabsan COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee xakamaynta COVID-19, kadib markii uu Soomaaliya Cudurka uu kusoo laba kacleeyay.

Kulanka oo ku qabsoomay Aalada Internet-ka ee ( ZOOMKA) ayaa looga hadlay  ka hortagga, la tacaalidda &  xoojinta wacyigelinta cudurka Corona Virus oo soo laba kacleeyay.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa faray guddiga inay dardar geliyaan howlaha looga hrtagayo Cudurka Coronavirus, isla markaana dowladda ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadashada arrintaas.

Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusoo laba kacleeyay Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19, waxaana tirada Soomaliya laga diiwangeliyay ay Wasaaradda Caafimaadka ku sheegtay 5,183 Ruux.

PUNTLAND POST

The post Dowladda oo qabatay Shir ku saabsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this