Deeq A. Posted February 15, 2021 Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa guddoomiyay shirka guddiga qaran ee xakamaynta COVID-19, kadib markii uu Soomaaliya Cudurka uu kusoo laba kacleeyay. Kulanka oo ku qabsoomay Aalada Internet-ka ee ( ZOOMKA) ayaa looga hadlay ka hortagga, la tacaalidda & xoojinta wacyigelinta cudurka Corona Virus oo soo laba kacleeyay. Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa faray guddiga inay dardar geliyaan howlaha looga hrtagayo Cudurka Coronavirus, isla markaana dowladda ay diyaar u tahay ka qeyb-qaadashada arrintaas. Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa kusoo laba kacleeyay Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19, waxaana tirada Soomaliya laga diiwangeliyay ay Wasaaradda Caafimaadka ku sheegtay 5,183 Ruux. PUNTLAND POST The post Dowladda oo qabatay Shir ku saabsan COVID-19 appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites