Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxaiistee wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer kamid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya. wuxuu ahaa 80 jir.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya ayaa waxaa geeridiisa BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

PUNTLAND POST

The post Siyaasi Yuusuf Xaaji oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this