Deeq A. Posted February 15, 2021 Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey. Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiye Muudey ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, wuxuuna xalay Xarunta Madaxtooyada Maamulka uu kula kulmay Madaxweyne Lafta-gareen. Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashada dalka ka dhacaya oo khilaaf uu ka taagan yahay iyo qodobo kale. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye Muudey uu Madaxweyne Lafta-gareen ka dalbaday in uu qeyb ka noqdo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo weli la isku mari la’yahay. PUNTLAND POST The post Muudeey iyo Lafta Gareen oo kulan ku yeeshay Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites