Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo gacanta ku dhigtay Amiir ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale

Recommended Posts

Deeq A.   
shabaab.png?resize=603%2C360&ssl=1Xubnaha lagu qabtay Galgala

Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Buuraleyda Galgala, ayaa gacanta ku dhigay Amiir ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale oo weheliyay.

Shakhsiyaadka la qabtay, ayaa sida wararku sheegayaan qaabilsanaa Qaraxyada lagu aaso jidka u dhexeeya degaanka Galgala iyo tuulada Karin ee Gobolka Bari, halkaas oo marar kala duwan Qaraxyo lagula beegsaday Ciidamada Puntland.

Sidoo kale, Ciidanka PSF waxay gacanta ku dhigeen budooyinka Qaraxa laga sameeyo ee maadada TNT-da loo yaqaan, kuwaas oo Al-shabaab doonayeen in ay Qaraxyo ka sameeyaan.

Ciidanka PSF weli ma shaacin tirada iyo magacyada Amiirka iyo shakhsiyaadka kale ee laga qabtay Al-shabaab, balse keliya waxay soo bandhigeen muuqaalkooda.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo gacanta ku dhigtay Amiir ka tirsan Al-shabaab iyo xubno kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this