Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay u doodda xuquuqda dumarka Sucuudiga oo xabsiga laga sii daayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenay u doodda xuquuqda dumarka Sucuudiga oo xabsiga laga sii daayey

Luyayn Al-Hadluul
Luyayn Al-Hadluul

Qoyska gabadha Sucuudiyadda ah ee u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka, Lujayn Al-Hadluul, ayaa sheegay in xabisga laga sii daayey.

Lujayn oo 31 jir ah ayaa horseed ka ahayd dhaqdhaqaaqa suurto geliyey in haweenka boqortooyadaa ku dhaqan loo ogolaado in ay baabuurta kaxayn karaan. Waxa la xidhay 2018-kii todobaadda uun ka hor intaan xayiraadii haweenka ka saarayd baabuur kaxaynta la qaadin.

Bishii Diisember ayaa maxkamadi ku heshay dembi ah isku day bedellida hanaanka siyaasadeed iyo dhaawaca anshaxa guud.

Waxa lagu xukumay qiyaastii lix sano oo xadhig ah, laakiin laba sano iyo toban bilood oo ka mid ah xukunkaas ayaan la fulin.

Qoyskeedu waxay ku dardaar weriyeen in aanay “xor ahayn” oo ay xayiraado badani saaran yihiin inta ay cafiska dibadda ku joogto oo ay ka mid tahay xayiraada saaran muddo shan sano ah oo aanay dalka ka bixi karin.

“Lujayn guriga ayay joogtaa!!!!” ayay Luyajn walaasheed Liina Al-Hadluul Arabacadii Twitter-ka ku baahisay iyada oo shaacinaysa warka ah in la soo daayey 1,001 maalmood oo ay xabsiga ku jirtay ka dib.

Gabadh kale oo ay walaalo yihiin oo la yidhaa Caaliya, ayaa iyadna qortay “waa maalintii ugu fiicnayd ee noloshayda i soo marta”.

Lujayn waxay noqotay astaan lagu xasuusto cabudhina dadka mucaaradka ah ee Sucuudiga tan iyo markii la xidhay bishii Mey 2018 iyada iyo tobaneeyo dumar ah oo u ololaynayey in haweenka loo ogolaado in ay baabuurta kaxayn karaan.

Qoyskeedu waxay sheegeen in markii hore aan muddo saddex bilood ah loo ogolayn in cidi la xidhiidho oo lagu jidh dilay koronto lagu qabto, ulayn iyo faro-xumayn. Waxay sidoo kale sheegeen in shardi lagaga dhigay in aanay ka hadal in la jidh dilay hadii ay doonayso in la sii daayo.

Xukuumamadda Sucuudiga ayaa beenisay eedayntaas ah in la jidh dilay, laakiin qoyskeedu waxay sheegeen in eedahaas ay dhawaan maxkamadda racfaanku laashay.

Saraakiisha ayaa ku nuunxuunsaday in aan loo xidhin hawlaheeda u ololaynta xuquuqda dumarka laakiin ay arintu ahayd xidhiidhka ay la yeelatay diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo hay’adaha shisheeye.

La taliyaha nabadgelyada qaranka ee Madaxweyne Biden, Jake Sullivan, ayaa soo dhaweeyey siidaynta Lujayn kuna tilmaamay “wax fiican”.

Arinta Lujayn waxay indhaha caalamka u soo jiidatay si aad uga gaar ah haweenka kale ee xabsiyada ku jira, waxaanay arinteedu gaadhay heer caalami. Qoyskeeda oo hadallo cadcad iyo ololaha aan kala go’a lahayn ee ay ururada xuquuqda aadanaha u doodaa wadeen ayaa arinteeda ka dhigay mid aad loo wada hadal hayo.

Waxaanay taasi keentay in arinta Lujayn bar madow ku noqoto dedaalka boqortooyadu ku doonayso inay ku faanto isbedellada cusub ee dhaqaale iyo kuwa bulsho ee ay wado.

 

Saraakiisha Sucuudigu waxay sheegeen in aanay arinu ahayn inay u debceen cadaadis dibadda kaga yimid. Laakiin way iska caddahay in ay doonayaan in ay arinta dembebasaan maadaama oo haatan Aqalka Cad uu la wareegay maamul xoogga saaraya xuquuqda aadanuhu.

Todobaadkan waxa sidoo kale dhacday in Sucuudigu shaaciyo inuu bilaabayo dib u habaynta qaanuunka dalkaas. Laakiin waxa jira arimo kale oo arintan bar madow ku ah oo uu ka mid yahay dilkii saxafigii Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khaashoqji. Saraakiisha Sucuudigu waxay ku adkaysanayaan in muhiimadda istiraatijiyadeed ee dalku u leeyahay gobolku arimahaas kale oo dhan ka miisaan culustahay.

Lujayn iyo 10 dumara oo kale ayaa maxkamad lagu soo taagay magaalada Riyaad bishii Maarij 2019, hase yeeshee dhawr jeer ayaa dacwadooda dib loo dhigay.

Dabayaaqadii Oktoober 2020 ayaa Lujayn bilowday cunto joojin ay kaga cabanaysay duruufaha xabsiga ay ku jirto oo ay ka mid yihiin in aan loo ogolaan in ay ehelkeed xidhiidh la yeelato.

Bishii xigtay ayaa warqadda dacwadda lagu soo oogayey wax laga bedelay oo arinteeda loo wareejiyey maxkamad u gaar ah falalka argagixisada.

Diisember 28, ayaa Maxkamadda Dembiyada Gaarka ahi ku heshay Lujayn Al-Hadluul dembi ah “falal dembiyeed ku cad qododbka ciqaabeed ee 43 ee xeerka ka hortagga argagixisada iyo xeerka taakulaynta maaliyadeed ee argagixisada” ayey ku warantay warbaahinta Sucuudigu.

Falalakaas ayaa sida la sheegay waxa ka mid ahaa “u ololayn isbedel ku yimaad aasaaska xukunka, u adeegidda yoolka warbaahinta shisheeye ee gudaha boqortooyada iyada oo adeegsanaysa internet ka ujeedaduna tahay in la dhaawaco anshaxa guud iyo iskaashi ay la yeelatay shakhsiyaad door ah iyo ururo hore u geystay falal dembiyeed.”

Luyayn way beenisay eedahaas, laakiin garsooraha ayaa xukunka uu riday ku sheegay in ay “qiratay eedahaas iyada oo aan cidi qasbayn”.

In kasta oo hadaba garsooruhu xukunka shanta sano iyo sideeda bilood ah ee uu ku riday qayb ka mid ah amray in aan la fulin taasina dhabbaha u sii xaadhay sii deynteeda, ayaa se waxa uu digniin ugu sheegay “in hadii ay fal dembiyeed gasho mudada saddexda sano ee soo socota ah, qaybtaa laga khafiifiyey kuxunka laga noqon doono”. Waxa kale oo uu ka mamnuucay in ay Sucuudiga ka baxdo muddo shan sano ah.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay eedahaas kuwo “la dhoob dhoobay” waxaanay sheegeen in Lujayn waxa keliya ee ay samaysay ahaa xuquuqdeeda aasaasiga ah ee xorriyadda hadalka, isku soo baxa iyo isku imaatin nabadeed.

“Siidaynta Lujayn Al-Hadluul oo muddo dhib ku mudatay xabsiga Sucuudiga oo saddex sano ku dhawaad ahayd waa wax lagu niyad samaado laakiin ay haboonayd in mar hore sidaa la yeelo” ayay tidhi Lynn Maalouf oo ah agaasime kuxigeenka Bariga Dhexe ee hay’adda Amnesty International.

“Waxa magdhaw u noqon kara arxan darradii ay mudatay iyo caddalad darradii lagu xidhay toona lama heli karo” ayay intaa ku dartay.

Liina Al-Hadluul ayaa iyadna carrabka ku adkaysay in “halgankii aanu weli dhamaan”.

“Farxad buuxda heli maayo ilaa inta la sii daynayo maxaabiista siyaasadda u xidhan oo idil” ayay tidhi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this