Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Soomaaliya oo baaraya haween lagu dilay Dayniile

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Boolska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay dilka Saddex Haween ah oo Saakay ka dhacay Degmada Deyniile.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Haweenkani oo laba ka mid ahi ay xaamilo ahaayeen la dilay xilli ay kusii jeedeen goobtooda shaqo.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah e kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Somalia.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daray ‘Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.”

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal & qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qarixii shalay ka dhacay Sayidka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this