Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay degmada Hodan

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay maamulka deg egmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Cumar Filish ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Hodan loogu magacaabay Mudane Cabdifitaax Ciise Dhagajuun, kadib markii la dilay guddoomiyihii degmadaas Marxuum Cabdixakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun).

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, iyada oo laamaha ammaanka iyo shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan.

Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda bishii lasoo dhaafay waxa ay ku dileen isgoyska Howl-wadaag.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this