Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo ka digtay cuno-yari ka dhacda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la filayo in sanadkan 2021-ka ay dad badan oo Soomaali ah wajihi doonaan cunto-yari taasoo ay keeneyso roobabka oo yaraan doono, daadad iyo waxyeelada cayayaanka Ayaxa.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dad gaaraya 2.7 Milyan oo ruux oo Soomaali ah ay geli-doonaan xaaladda cunto-yari bartamahan sanadkan.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in 2.9 milyan oo ruux oo dheeraad ah ay wajihi doonaan cunto-yari, iyadoo tirada dadka guud ee dhibaateysan ay gaari doonto 5.6 milyan oo ruux.

QM ayaa sidoo kale sheegtay in caruur tiradooda lagu qiyaasay 840,000 ay geli doonaan nafaqo darro, iyadoo 143,000 oo ka mid ah caruurtaasi ay xaaladooda liidan doonto.

Xilli roobaadka soo socda ayaa laga cabsi qabaa in yaraan doonaan, taas oo keeni karta dhibaatada ugu weyn ee bartamaha sanadkan 2021-ka

Waxyaabaha ugu daran ee Qaramada Midoobay ka walaacsan tahay waxaa ka mid ah waxyeelada Ayaxa oo sii jiri doona, illaa bisha soo socota ee March ee sanadkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this