Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka 13 Turkish ah oo laga helay god ku yaal dalka Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   


Ciidamada Turkiga ee fulinaya howlgalka ka dhanka ah mintidiinta kooxda PKK ee waqooyiga Ciraaq ayaa god ka helay meydadka 13 Turkish ah oo u afduubnaa kooxda, sida uu sheegay wasiirka difaaca Hulusi Akar.

Akar ayaa bayaan uu Axadda maanta ah soo saaray ku sheegay in 48 ka mid ah mintidiinta PKK lagu dilay howlgalka, halka seddex askari oo Turkish ah la dilay seddex kalena la dhaawacay. 12 ka mid ah Turkish-ka afduubka loo haystay ayaa laga toogtay madaxa, halka midka kalana laga toogtay garabka.

Turkiga ayaa hawlgal millatari oo ka dhan ah PKK ka bilaabay gobolka Gara ee waqooyiga Ciraaq 10-kii bishan Febraayo si uu u ilaaliyo xuduuddiisa, islamarkaana usoo badbaadiyo muwaadiniin hore loo afduubay, ayuu yiri wasiirku. Aqoonsiga meydadka laga helay godka ayaan wali caddeyn.

Dhankoodana, bayaan lagu soo daabacay barta internetka ee PKK ayaa lagu sheegay in qaar ka mid ah maxaabiistii ay gacanta ku hayeen oo ay ku jireen sirdoonka Turkiga, booliska iyo militariga ay ku dhinteen iska horimaad ka dhacay aagaasi. Kooxda ayaa beenisay in ay waligood waxyeelo u gaysteen maxaabiis ay gacanta ku hayeen.

Xigasho: VOA Soomali

PUNTLAND POST

The post Meydadka 13 Turkish ah oo laga helay god ku yaal dalka Ciraaq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this