Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horyimid magacaabidda Guddiga Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa caddeeyay mowqifkeediisa ku aaddan Golaha Adeega Garsoorka ee Madaxweyne Farmaajo magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska cabdi Xaashi  waxaa uu sharci darro ku tilmaamay magacaabista uu sameeyay Madaxweyne Farmaajo ee 7-da xubnood ee Golaha adeega Garsoorka, sidoo kalena ku eedeeyay in uu jebiyay Dastuurka KMG ah ee dalka.

Waxaa uu sheegay Cabdi Xaashi in 22-kii Bishii November 2020 Golaha Shacabka ee Baarlamaanka usoo diray Aqalka Sare Qararka uu ansixiyay 7 xubnood oo kamid noqnaya Golaha Adeega, kuna jiraan Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka iyo Xeer ilaaliya guud.

Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumada in ay joojiyaan ku xad-gudubka qodobada dastuuriga inta laga dhisayo Hay’adaha dalka.

HAA.jpg?resize=431%2C600&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horyimid magacaabidda Guddiga Garsoorka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this