Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo warbixin cusub soo saaray + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF) oo kaashanaya qaybta amniga ee AMISOM ayaa bilaabay tababarka bedqabka doorashada iyo dadka ka shaqaynaya. Tababarkaan ayaa waxa ka qayb gelayaa Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal , Xalinta khilaafadka  iyo Guddiyada Heer Maamul Goboleed, wuxuuna socon doona 14 ilaa 15 Febaraayo.

Guddoomiyaha GHDHF Mudane Maxamed Xasan Maxamed  oo furay tababarka ayaa sheegay in duruufaha ku xeeran doorashada, goobaha cod bixinta iyo masuuliyadda hirgelinta doorasho ee saaran ay muhiim u tahay in xubnaha Guddiyada kala duwan ee hirgelinaya doorashada ay helaan tababarro ku saabsan bedqabka iyo dadka doorashada ka shaqaynaya.

Taliyaha Booliiska AMISOM, AIGP Augustine Magnus Kaille ayaa sheegay in iyagoo qayb ka ah guddiga isku dhafka ee Amniga doorashada uu tababarkan u keenayo hab isku xiran oo ay ku wada shaqeeyaan qaybaha fulinta doorashada iyo dhinacyada amniga qaabilsan.

Major Gen. Sadiiq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed, Xoghayaha guddiga isku dhafka ah ee amniga doroashooyinka Qaranka ayaa sheegay in wada shaqaynta AMISOM, ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo guddiyada hirgelinaya doroashada ay u tahay muhiim in amniga doorashada la sugo, lagana fogaado wax kastoo keeni kara ammaan darro.

Ugu dambeyn tababarkaan ayaa qayb ka ah diyaar garowga Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Heer Maamul Goboleed ugu jiraan fulinta doorashada 2021 oo la rajaynayo in wakhti dhow ay wadanka ka qabsoonto.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

150646437_145134367443357_5604909169915911561_n 149775210_145134407443353_7637829300993715392_n 150226468_145134330776694_8879677219838075209_n 150410677_145134440776683_3747609566480368897_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this