Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo faah-faahisay go’aankii lagu xiray isgoyska Dabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu oo war qoraal soo saaray ayaa waxa uu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey go’aankii lagu xiray isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.

Macalimu ayaa sheegay in xirnaashaha isgoyskaas uu durbo keenay culeys dhanka dhaqdhaqaaqa shacabka ah, islamarkaana dib u eegis lagu sameyn doono.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay inay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka. Inshallah dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyada oo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka ,lana sii xoojinayo adkeynta amniga,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah afhayeenka xukuumadda Rooble.

Laamaha ammaanka ayaa xalay dhagxaan waa weyn ku gooyey isgoyskan oo muhiim ah isku socdka dadka iyo gaadiidka, sidoo kalena ay ku yaallaan goobo laga dukaameysto.

Shalay ayey aheyd markii gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu si xawli ah ku dhaafay ciidamo ku sugnaa Dabka, kuna qarxay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this