Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Hodan, kadib dilkii Marxuum Dhagajuun

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay egmada Hodan, kadib wareegto uu soo saaray.

Cumar Filish ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir u magacaabay Mudane Cabdifitaax Ciise Dhagajuun, kadib markii la dilay guddoomiyihii degmadaas Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, halkeedana uu kasii wado howlaha maamulka ee degmada.

Sidoo kale laamaha ammaanka iyo shacabka ku dhaqan degmada Hodan ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo aan weli lasoo bandhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay Allaha u naxariisteen Cabdixakiin Dhagajuun.

Marxuumka ayaa bishii lasoo dhaagay ee Janaayo, xilli habeen ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this