Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha maxkamadda sare oo soo saaray digniin culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa digniin u diray hay’addaha dowladda, laamaha amniga iyo dowladaha hoose ee dalka.

Baashe Yuusuf Axmd ayaa sidoo kale sheegay in fulin la’aanta xukunada ay ridaan maxkamadaha dalka ay ka dhalan karto ciqaab adag.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marar badan la arko go’aan maamul oo maxkamadda ka soo baxay oo hay’addii uu ku socday aaney fulin.

“Waxaan u sheegeynaa in go’aan kasta oo maxkamadda kasoo baxa uu yahay waajib, ayna fuliso ka gaabintiisana waxaa ka dhalaneysa ciqaab isugu jirta xarig iyo ganaax” ayuu yiri.

Guddoomiye Baashe ayaa sidoo kale digniin u diray ciidamada Booliiska, isaga oona sheegay in haatan wixii ka dambeeya lagula xisaabtami doono.

Ugu dambeyntii gudgoomiyaha maxkamadda sare ayaa dowlaha hoose ku eedeeyrey in ay qeyb ka yihiin dacwadaha dhulka, isaga oo uga digay arrintaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this