Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahin: Haween dil & dhaawac loogu geystay degmada Dayniile

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya fal isugu jira dil iyo dhaawac oo loo geystay haween ku sugnaa degmada Dayniile, kadib markii ay weerareen rag hubeysan.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa saaka aroortii hore lagu qaaday haweenkan, xilli ay mooto raacayeen, kuna sii jeedeen goobtooda shaqada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in haweenka la toogtay oo ay qaar dhaawacyo soo gaareen ay nadaafad ahaan uga shaqeynayeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Qoraal kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa looga hadlay dhacdadaasi, waxaana lagu sheegay in lagu dilay 3 haween oo 2 ka mid ah ay xaamilo ahaayeen.

Taliska Booliska ayaa sheegay in haatan uu socda baaritaan dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

“Booliska Soomaaliya ayaa baaraya dil loo gaystay Saaka 3 Dumar ah oo 2 ka mid ah ay Xaamilo ahaayeen, kuwaasoo ay toogteen Maleeshiyaad la rumaysan yahay inay Argagixiso yihiin.” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah e kasoo baxay taliska ciidanka Booliiska Somalia.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daray ‘Ma ahan wax ku cusub Dadka Soomaaliyeed in Hooyooyin nolol u raadsanaya caruurtooda ay si arxan darro ah isaga dilaan Kooxaha Argagixisadda ah.”

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal & qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qarixii shalay ka dhacay Sayidka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this