Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Soomaaliya oo qabtay Gaari Qaraxyo siday

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8.jpg?resize=675%2C380&ssl=1

Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa sheegay in ay degaan ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose ku qabteen Gaari nooca loo yaqaan Hoomay oo qaraxyo lagu soo raray.

Gaariga miinaysan ayaa lagu qabtay tuulada Cad-cadeey oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose sida laga soo xigtay Saraakiisha Ciidanka Danab.

Saraakiisha ayaa sheegay in Gaariga Qaraxyada sida la doonayay in lagu weeraro shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobollada Shabeellooyinka.

Sidoo kale waxay Qaraxyadan ku eedeeyeen ururka Al-shabaab inkastoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin Arrintaas.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska Soomaaliya oo qabtay Gaari Qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this