Sign in to follow this  
Deeq A.

Maydadka Haween la laayay oo laga helay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maydadka saddex ruux oo dumar ah, ayaa saaka laga helay xaafad ka tirsan degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, sida ay xaqiijiyeen Booliiska Soomaaliya.

Maydadkaas ayaa la sheegay in korkooda lagu arkay rasaas la rumaysanyahay in lagu toogtay, waxaana haatan ku socda baaritaan, sida laga soo xigtay Booliiska.

Wakaaladda SONNA ayaa sheegtay in Booliisku baaritaan ku wadaan maydadka saddexdaas dumarka ah, oo laba kamid ah ay xaamil ahaayeen.

Wakaaladdu waxay dilkooda ku eedaysay ururka Al-shabaab, inkastoo aysan jirin meel Al-shabaab weli ku sheegatay dilkaas.

PUNTLAND POST

The post Maydadka Haween la laayay oo laga helay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this