Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax Gilglay Magaalada Muqdisho+khasaaraha 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax Gilglay Magaalada Muqdisho+khasaaraha

 qarax.jpg
  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay waxyeelo kala duwan.

Qaraxan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOHA ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo si xawli ah ku soo dhaafay ciidamo ku sugnaa isgoyska Dabka, waxaana kadib rasaas lagu furay uu ku qarxay koontaroolka Sayidka ee baabuurta lagu baaro.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burburka gawaari nooca raaxada ah iyo mootooyin nooca Bajaajta ah.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo la socday gaadiidka iyo mootooyinka ku burburay qaraxaas.

Laamaha amniga Soomaaliya weli kama hadlin qaraxan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay intaba, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka.

Maamlmihii dambe ayaa waxaa caasimada ka dhacayey weeraro qaraxyo ah oo ay soo abaabushay oo uu ugu dambeeyey midkii lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

 Geesta Kalena  Taliska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in qaraxan uu ku dhintay kaliya is-miidaamiyihii fuliyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo kale oo shacab ah, kuwaas oo jidka marayey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu jiro burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj.

“Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa intaasi raaciyey “Ilaahay Mahadii, feegijnaanta Ciidanka ayaa sababtay in dadka laga badbaadiyo qatarta argagixasadu la doonaysay ummadda Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.”.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana weli hakad ku jira dhaq-dhaqaaq isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka ammaanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this