Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo la shirtay deeq bixiyeyaasha taageera arrimaha caddaaladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maalinnimadii Jimcaha, 12ka bisha Febraayo 2020 qabsoomay shir  fogaan arag ah, kaas oo heerkiisu sarreeyo, waxaana  shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.

Shirka waxaa lagu falanqeeyey  barnaamijyada cadaaladda iyo asluubta, iyadoo aad looga hadlay horumarrada laga sameeyey xabsiyada Kismaayo iyo Maxkamadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa ka hadlay howlaha sanadkaan hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda ayna kamid tahay qorshaha istraajiyadeed ee shanta sano ee hey’adaha cadaaladda yeelanaayaan.

Ugu danbeyntii waxaa lagu ansaxiyey howl-qorsheedka 2021. Shirka waxaa ka soo qeyb galay deeq bixiyeyaasha taageera bahda cadaaladda sida EU, Netherlands, Sweden, Hey’adda IDLO, iyo dhammaan qeybaha hey’adaha Qaramada Midoobay.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

149924165_3961687160536602_4233504831539 150088695_3961687133869938_3566981543010

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this