Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyaha Budhcadda Disha Ganacsatada Soomaalida Ah Ee Dalka Koofur Afrika Oo La Qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska waddanka Koofur Afrika ayaa maanta xabsiga dhigay nin la sheegay inuu yahay hoggaamiyaha Budhcadda hubeysan ee dilalka u geysata shacabka Soomaalida ee ku nool dalka Koofur Afrika.

Ciidanka Booliska Koofur Afrika ayaa ninkan ka qabtay deegaanka lagu magacaabo Motherwell oo ka tirsan magaalada Port Elezapeth ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku nool dalkaasi ayaa sheegay in ninka la qabtay uu ka dambeyay dilal badan iyo dhac loo geystay muwadiniin Soomaali ah oo goobo ganacsi ku lahaa deegaanka Motherwell.

Ninkan Booliska gacanta ku dhigeen ee ahaa hoggaamiyaha Budhcada hubeysan ee dalka Koofur Afrika ayaa qabashadiisa waxa ay kusoo beegmeysa xili saacadahii la soo dhaafay magaalada Port Elezapeth iyo nawaaxigeeda dilal iyo dhaawacyo loogu geeystay ganacsato Soomaalida.

Qabashada hoggaamiyaha Budhcada hubeysan ee Koonfur Afrikaanka ah ayaa kusoo aadeysa iyadoo habeenkii xalay ahaa dilal loogu geystay magaalada Port Elezapeth muwadiniin lagu kala magacaabi jiray Mikaa’iil Bitoow iyo Cabdixakiin Jeelle oo lagu dhex dilay goobtooda ganacsi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this