Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydadka afar dhalinyaro ah oo lagu arkay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhacado cabsi xoogan ku beertay dadka ku dhaqan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duledka magaalada Muqdisho, taas oo ka dhalatay meydadka afar dhalinyaro ahaa oo lasoo dhigay Qabuuraha Shiiqaasha ee deegaankaasi.

Dhalinyaradan ayaa la sheegay in madaxa laga wada-toogtay, waxaana jirkooda ka muuqatay rasaas, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale mid ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta ayaa tilmaamay in dhalinyaradan, ka hor inta aan la toogan laga xir-xiray gacmaha, islamarkaasina rasaas lagala dhacay qeybaha sare ee jirkooda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan falkaasi arxan darrad ah.

Dhacdadan ayaa argagax weyn ku rebtay dadka deegaanka oo ay soo wajahday cabsi xoogan oo ka dhalatay toogashada loo geystay dhalinyaradaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this