Deeq A. Posted February 13, 2021 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka oo ay bar-koontarool ku leeyihiin ciidanka amniga. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qaraxa, kaas oo la sheegay inuu xoog ku dhaafay bar-koontarool oo ku taalla nawaaxiga hotel Dayax, waxaana rasaas ku furay ciidamada amniga, isaga oona kadib ku qarxay isgoyska Sayidka oo ay koontarool kale ku leeyihiin ciidamada ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daray inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin, inta uu gaarsiisan yahay. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo xiray aaga meesha ay wax ka dhaceen. Faah faahinta kala soco:caasimada.net Share this post Link to post Share on other sites