Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo shardi adag ku xirtay Arrimaha doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad goboleedka Jubaland, ayaa sheegay in aysan ka qayb noqon doonin Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, haddii aan Gobolka Gedo lagu soo celin gacanta maamulkooda.

Wasiirka Warfaafinta Jubaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed, oo la hadlay Barnaamijka doodda BBC-da, ayaa sheegay in Jubaland aysan doorasho qaban doonin inta Gobolka Gedo ka maqanyahay gacantooda.

 “Waxaan kuu sheegayaa in Madaxweynaheena uusan qeyb ka noqon Karin meel uu qabsaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuuna noo tanaasuli waayay oo xataa wuxuu naga diiday in uu Garbahaareey nagu so wareejiyo” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Wasiir Cabdi Xuseen, wuxu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka in ay mudda laba bilood gudahood ah ciidanka uga saaraan Gobolka Gedo, si looga heshiiyo Arrimaha doorashada.

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo shardi adag ku xirtay Arrimaha doorashada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this