Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Jaamacadda Carabta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
4.jpg?resize=747%2C441&ssl=1

Dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta, ayaa ugu baaqay  dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya in ay wada-hadal ka yeeshaan khilaafka u dhexeeya, si loo qabto doorashooyinka dalka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta, ayaa lagu bogaadiyay in dadaallada ku saabsan Arrimaha doorashooyinka, oo ay wadaan madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, waxa loogu baaqay dhinacyada in ay wada-hadal dhab ah ka yeeshaan muranka weli ka taagan qabsoomidda doorashooyinka, si heshiis dhammaystiran looga gaaro hirgelinta Arrimaha doorashooyinka.

Ururka Jaamacadda Carabtu, wuxu sidoo kale soo dhoweeyay Shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo sida qorshaysan loo ballansanyahay 15-ka bishan February 2021.

PUNTLAND POST

The post Ururka Jaamacadda Carabta oo war ka soo saaray Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this