Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF Soomaaliya iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa is-rasaaseyn khasaare geysatay oo xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka oo ahaa mid kooban ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Geeddi ee degmada Kaaraan, wuxuuna u dhexeeyey ciidamada ammaanka & rag hubeysan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ragga hubeysan ay ahaayeen burcad xilligaas dhac u geysanayeen dadka shacab ah, waxaana ka war-helay ciidamada Booliiska oo weerarka ku qaaday, iyada oo kadib halkaasi uu ku dhex-maray labada dhinac dagaal kooban.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof oo ka mid ahaa ragga dhaca geysanayey ayaa ku geeriyooday is-rasaaseyntaasi, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen labo qof oo kale.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka oo ku aadan falkaasi geystay khasaaraha kala duwan.

Si kastaba muddooyinkii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey falal ammaan darri, gaar ahaan dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this