Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska oo faah faahiyey qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay  qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Aadan Cali oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen qarax miino ah oo lagu tuuray waaxda Kacaan ee degmada Hodan.

Dhamme Sadiiq ayaa sidoo kale tilmaamay in wax khasaare ah uusan geysan qaraxaasi miino.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa fashiliyay qarax miino oo ay argagixisadu ku tuureen degmada Hodon, gaar ahaan waaxda Kacaan dhabarka dambe ee Kaalinka Shidaalka ee HAAS, mana jiro wax qasaaraha oo ka dhashay qaraxan.“ayuu yiri afhayeenka Booliska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacayey qaraxyo nooca miinada ah, kuwaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this