Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Soomaaliya hada ayay ku baraarugtay Kiiska Bada halka Puntlandi.com ay xogtaan heleen 8 febaraayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo shalay Waraysi siiyay Warbaahinta Goobjoog wuxuu sheegay in Dowlada Federaalku ay dayacdey Kiiska Bada marwalbana ay ku baraarugaan marka Saxaafada Kenya ay waxka qoraan.

Kenya mar hore ayay dalbatay in Kiiska dib looga dhigo, bisha Maarso ayay maxkamadu furmi lahayd, waxaana xaqiiq ah in dhowr bilood ka hor ay Kenya bilowdey dib u dhiga Kiiska Laakiin Dowlada hada Xilku ka dhamaadey ee Soomaaliya Wayna iska ilowday Kiiska Bada.

Warbaahinta Puntlandi.com ayaa Dublamaasiyiin ka helay xogta in Kiiska dib loo dhigayo, Xogtaas Waxaan daabacney 8 Febaraayo hoos ka eeg. warkaan sii akhriso

9BA5005B-12F3-4371-8F5F-898B402E94F4-635

Waa Nasiib daro in Wasiirka Xilkiisu dhamaadey ee Warfaafinta Soomaaliya uu Soo baraarugeen 10 febaraayo, waxaana xaqiiq ah in Dhowr jeer ay Maxkamadu isku dayday inay la xiriiraan Soomaaliya si ay wax uga dhahaan Dalabka cusub ee Kenya dalbanayaan in Dib loogu dhigo Kiiska.

Xog kale oo Warbaahinta Puntlandi.com ay gacanta ku hayaan oo tafatir lagu wado laakiin aan dhowaan idinla wadaagayno waxay cadeynaysaa in Maxkamada Aduunku ee Hague ay dhowr jeer bishii Janaayo ay isku dayday inay Xiriir la sameeyaan Soomaaliya laakiin jawaab laga waayay, taasna ay Kenya ka faa’iideystay.

Puntlandi.com Holland

The post Villa Soomaaliya hada ayay ku baraarugtay Kiiska Bada halka Puntlandi.com ay xogtaan heleen 8 febaraayo appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this