Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo sheegtay in ka badan 50 Dal lagu askareeyo Carruurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa dedaal xooggan oo soo bilawday 15-sano kahor ku xoojineysa wax ka qabashada askareynta Carruurta si gaar ah dalalka dhibaatooyinka dagaalka ku jira oo ah fursadda ugu badan ee looga faaiideyso qalalaasaha.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay garabsiineyso Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya si looga hortago askareynta Carruurta, maadaama garab istaag u baahan tahay.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Twitterka ee Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in arrintaan ay tahay taageero Caalmi ah, kahortagga in la askareeyo Carruurta iyada oo dano kala duwan looga faaiideysanayo.

Ban ki-Moon Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay ayaa lahaa soo jeedintaan ah in la xoojiyo wax ka qabashada askareynta Carruurta sida ku xusan diiwaanka gaarka ah ee loogu talagalay wax ka qabashada arrintaan.

Qaramada Midoobay ayaa xustay in kumanaan & Boqolaal ay yihiin gacan ku dhiiglayaal, waxaana ay tilmaamtay in ka badan 50 Dal laga askareeyo Carruurta si loogu adeegsado Arrimo siyaasadeed oo ka jira.

Diiwaanka Qaramada Midoobay waxaa ku jira in guud ahaan Caalamka laga askareeyay carruur dhan 250,000, inkasta oo aan lagu xusin Warbixinta Dalalka ugu badan & sida ay ugu kala badan yihiin ciidan u adeegsiga Carruurta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this