Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho oo laga xusay Maalinta ka hortagga askareynta Carruurta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulanka xuskaan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga XFS ,Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,Ururada Bulshada rayidka iyo Xubno ka Socday ,UNSOM iyo xubno ka socday safaarada mareykanka.

Agaasimaha Guud Ee wasaaradda gaashaandhigga XFS Axmed Cabdi Kooshin oo Furitaankii Munaasabadan ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Gaashandhigga ay kala shaqeysay taliska Ciidanka Xoogga ka hortagga askareynta Caruurta ,  Sidoo kale waxa uu sheegay in  Wacyi-galin, tababarro iyo  Kormeer  ballaaran  Wasaaraddu ka sameysay qaar ka mid ah gobalada dalka , isagoo Xusay in DFS ay u hogaansantahay Sharciyada iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee la Xiriira ka hortagga askareynta Caruurta .

Dhanka kale Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal cabaas aamiin oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidmada Xoogga aan laga heynin  qof da’diisu ka yartay 18 sanno jir , balse kooxaha nabad-diidka alshabaab ayuu sheegay in caruurta ay askar ahaan u adeegsadaan , qaar badan oo ka mid ah Caruur waalidiintooda laga soo qafaashayna ay soo badbaadiyeen.

Xafiiska ka hortagga askareynta carrurta ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu wacyi-galinayo Shacabka si ay ugu wada –qeybqaataan ka kortagga askareynta Caruurta

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this