Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo bilowday diiwaan-gelinta diyaaradaha iyo ruqsad-siinta xirfadleyaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka daahfurtay diiwaan-gelinta diyaaradaha iyo ruqsad-siinta xirfadleyaasha.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa ka warbixiyey dadaalka dowladda ku bixisay sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta shaqadan oo ah astaan dowladeed.

Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalka hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Munaasabadda daahfurka oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh shirkadaha diyaaradaha, hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka ayaa uu wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaysa aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo duuliyaal Soomaaliyeed.

FB_IMG_16131204594447442.jpg?resize=720% FB_IMG_16131205457481883.jpg?resize=720% FB_IMG_16131205537573680.jpg?resize=720% FB_IMG_1613121484298.jpg?resize=720%2C50

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo bilowday diiwaan-gelinta diyaaradaha iyo ruqsad-siinta xirfadleyaasha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this