Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya iyo Jabuuti oo kala saxiixdey Heshiis Malaayiin Dollar ah oo dhabar jab ku ah Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkada Korontada ee Dowlada Kenya (The Kenya Electricity Generating Company (KenGen) ) iyo Dowlada IJabuuti ayaa kala saxiixdey Heshiis Korontada biyaha laga dhaliyo ah oo Shirkada Korontada Kenya ah ka hirgalinayso Jabuuti.

Wadaxaajoodka Heshiiska oo tan iyo Talaadada socdey ayaa maanta oo khamiis ah laka saxiixdey, waxaana lagu kala saxiixdey Xaflad weyn oo Jabuuti ka dhacdey.

Wasiirka Tamarta ee Kenya Charles Keter oo Wafdiga Kenya hogaaminayay ayaa sheegey in Mashruucaan uu noqon doono Mashruuca ugu wayn ee Koranto dhalinya Geeska Afrika.

Itoobiya ayaa horay u waydey Mashruuc noocaan oo kale ah balse waxaad hada moodaa Isbahaysiga Siyaasada Geeska Afrika inuu saameyn ku yeeshay Mashaariic badan oo Itoobiya doonaysay in ay ka fuliso Geeska Afrika.

Tan iyo Markii uu Xukunka La wareegay Abiy Axmed waxaa bilowdey isgaashaanbuursi Siyaasadeed oo ka dilaacay Geeska Afrika, Xukuumada hada Wakhtigeedu dhamaadey ee Soomaaliya waxay Xulufaysi la sameeyeen Garabka Itoobiya.

Mashruucaan Cusub ee ay kala saxiixdeen Kenya iyo Jabuuti wuxuu bilow u yahay Mashaariic waaweyn oo ay isdhaafsanayaan labada wadan.

Puntlandi.com Nairobi

The post Kenya iyo Jabuuti oo kala saxiixdey Heshiis Malaayiin Dollar ah oo dhabar jab ku ah Itoobiya appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this