Sign in to follow this  
Deeq A.

JL, PL iyo Madasha Musharixiinta oo ku isla gartay marti galinta Dhirka aayaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Waxaa maalmahaanba socdey Wadatashi u dhexeeya Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho kuwasoo looga arinsanayay Arimaha Doorashada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha Madasha Musharixiinta Shariif Sheikh Axmed oo dhowr jeer khadka Teleefoonka iyo Zoom-ka kuwada hadlay ayaa isla meel dhigay in Kulan deg dega lagu qabto Muqdisho kasoo loo badinayo inuu ka dhici doono Hotel Jazeera ee nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha.

Wararka hoose oo Puntlandi.com heleen Madaxweynaha Puntland ayaa soo jeediyey in Shirku uu noqdo mid ay kasoo wada qaybgalayaan Dhamaan Saamilayda Siyaasada, oo Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadeyna, labada Gudoomiye Baarlamaan ay ku jiraan.

Wararku waxay sheegayaan in Xitaa laga wada hadlay hadii ay dhacdo in uu diido ka qaybgalka Shirka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa laga yeelato, waxaana la isla hartay in Shirku uu dhaco hadii xitaa uu diido Farmaajo.

Beesha Caalamkuna waysoo dhaweysay Dadaalka ay wadaan Masuuliyiintaan .

Madaxweynaha Walhtigiisa lagu muransan yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Arbacadii soo jeediyey in shir lagu qabto Garowe balse waxaa Arinkaas diidey Madaxweyne Saciid Cabdulaahi oo taas badalkeeda Soo jeediyey in Shirku uu yahay arin wanaagsan balse ay haboontahay in lagu qabto Muqdisho ayna qayb ka ahaadaan Dhamaan Saamilayda.

Sida lagasoo xigtay Siyaasiyiin aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo marnaba ma ogalan nuu miis lasoo fariisto Xasan Sheikh,Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Shariif Sheikh Axmed.

Puntlandi.com Garowe

The post JL, PL iyo Madasha Musharixiinta oo ku isla gartay marti galinta Dhirka aayaha Soomaaliya appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this