Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Haweenka oo qaabishay ururada bulshada + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadana, Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim, ayaa maanta xafiiska ku qaabishay xubno ka socda ururada bulshada ee kala shaqeeya wasaaradda ka hor tagga iyo ka jawaabista tacdiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

U jeedka kulanka waxaa uu ahaa isbarasho, iyadoo wasiir Xaniifa kula dardaarantay ururada bulshada dar dar gelinta howsha ay u hayaan bulshada nugul ee Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ama naafada ah.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, ku simaha agaasimaha guud ahna agaasimaha waaxda xuquuqda aadanaha, Axmed Cabdi Borile iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda haweenka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1bb10455-c7fc-4419-b801-235df35b8764.jpg 8c745ee5-e75b-4c24-840b-08cb41ad3a82.jpg 769f31d3-7d36-4ef8-906a-a1c5b93309d4.jpg ab022a47-96f2-441f-875c-4c19d3b2a15d.jpg d7f21749-c3f8-45f1-bf30-5bf4421b5d63.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this