Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka laf dhuun gashay ku noqday Madaxweyne Erdogan+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ninka laf dhuun gashay ku noqday Madaxweyne Erdogan+Sababta

Madaxweyne Erdogan (bidix) iyo Osman Kavala
Madaxweyne Erdogan (bidix) iyo Osman Kavala

Mudaharaadyo ay wadaan ardayda Jaamacadda Bogazici ee dalka Turkiga ayaa socday tan iyo billowgii sanadka, waxaana looga soo horjeedaa go’aanka uu madaxweyne Recep Tayyip Erdogan madaxa jaamacaddaas uga dhigay nin isaga ay isku dhow yihiin oo daacad u ah.

Dagaalka u dhaxeeya ardayda Jaamacadda iyo madaxweyne Erdogan ayaa yeeshay saameyn, waxaana uu madaxweynaha ku eedeeyay macallimadda jaamacaddaas ka dhigta maadada siyaasadda dhaqaalaha, Aisha Bogra, in ay mas’uul ka tahay xasaradda ka socota halkaas.

Bayaan uu soo saaray Erdogan ayuu, isagoo aan magaceeda xusin, ku yidhi: “Osman Kavala xaaskiisa ayaa ka mid ah dadka rabshadda ka wada jaamacadda Bogazici.”

Waa kuma Cusmaan Kavala?

Osman Kavala, oo Turkiga ku xiran tan iyo sanadkii 2017-kii, kaddib markii lagu eedeeyay in uu sanadkii 2013-kii afgambiyo dowladda, sidoo kalena sanadkii 2016-kii taageeray afgambigii dhicisoobay, waa nin asal ahaan kasoo jeeda magaalada Kavala ee hadda ka tirsan waddanka Giriigga.

Magaaladaas waxay muddo qarniyo ah ku hoos jirtay maamulkii Cusmaaniyiinta, waana tan loogu magac daray qoyska Cusmaan. Waa isla magaaladii uu ku dhashay hoggaamiyihii Masar ee qarnigii 19-aad, Muhammad Ali Pasha.

Qoyska Kavala, oo ka ganacsan jiray tubaakada, waxay waxay qaxooti ahaan ku tageen dalka Turkiga 1920-meeyadii, iyagoo markaas qeyb ka ahaa waxa loo yaqaannay shacab kala badalashadii muwaadiniinta Giriigga ee ku noolaa galbeedka Turkiga iyo muslimiintii ku noolaa Giriigga gudihiisa kaddib markii ay burburtay boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Maxbuus siyaasadeed

Kavala wuxuu xiran yahay tan iyo sanadkii 2017-kii
Kavala wuxuu xabsi ku jiraa tan iyo sanadkii 2017-kii

Kavala iyo hoggaamiyaha xisbigiisa HDP, Salahuddin Demirtaş, waxaa lagu tilmaamaa dadka ugu caansan ee arrimaha siyaasadeed ugu xiran dalka Turkiga, iyadoo maxaabiista siyaasadeed ay aad u kordheen wixii ka dambeeyay isku daygii afgambi ee fashilmay sanadkii 2016.

Ninkan, oo hadda 63 jir ah, wuxuu jaamacadda Bariga Dhexe ee magaalada Ankara ka bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna aqoontiisa kusii dhameystiray jaamacadda Manchester ee dalka Britain.

Takhasuskiisa ayuu ku baranayay jaamacad ku taalla dalka Mareykanka markii loo soo sheegay geerida aabihiis, sidaas darteedna wuu ka tagay waxbarashada wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Istanbul, sanadkii 1982-kii, si uu ula wareegyo ganacsigii qoyskiisa.

Ganacsade isu baddalay samafale

Sanadkii 1988-kii wuxuu guursaday haweeney aqoonyahanad ah, oo lagu magacaabo Aisha Bogra, taasoo hadda macallimad ka ah Jaamacadda Bogazici.

Kavana wuxuu durbadiiba noqday qof ku lug leh arrimaha samafalka iyo howlaha bulshada rayidka. Wuxuu aasaasay wargeys arrimahaas wax ka qora, oo si deg deg ah u noqday isha laga helo fikradaha dimuqraaddiga ah, xilli afgambigii militari ee Turkiga ka dhacay 1980-kii uu wali saameyn ku lahaa siyaasadda waddanka.

Kavala wuxuu xoogga saaray howlaha samafalka, ilaalinta deegaanka, shaqooyinka sida bilaashka ah loogu qabto dadka iyo hayadaha bulshada rayidka.

Tusaale ahaan, wuxuu ka tanaasulay mashruuc uu hoteel uga dhisi rabay meel ka mid ah xeebaha badda Mediterranean-ka kaddib markii la ogaaday in halkaas ay xayawaannada qubada ukumahooda dhigtaan. Muddo yar kaddib wuxuu isaga tagay ganacsigiisii, wuxuuna noqday qof u dooda xuquuqda aadanaha.

sameynta farashaxan iyo dhaqan, qalalaasaha baddalkiisa

Siteetameeyadii waxaa Turkiga ka dhacay iska hor imaadyo uu dhiig ku daatay oo u dhaxeeyay militariga Turkiga iyo maleyshiyaadka kooxda PKK ee ku sugan koonfurta-bari ee dalkaas, kuwaasoo lagu dilay tobannaan kun oo qof, kumannaan xaafadoodna lagu burburiyay. Waxaa qalalaasahaas ku barakacay malaayiin qof oo Kurdiyiin ah maadaama adeegyadii dowladda ay ka joogsadeen aaggaas.

Markii uu istaagay qalalaasihii militariga ee socday tobanka sano, Kavala wuxuu aasaasay hayadda dhaqanka ee Anatolia, taasoo uu meelo kala duwan oo dalka Turkiga ah uga fulin jiray barnaamijyo lagu taageerayo bandhigyada dhaqanka iyo farshaxanka.

 

Erdogan wuxuu Aisha Bogra ku eedeeyay in ay rabshad kicineyso
Erdogan wuxuu Aisha Bogra ku eedeeyay in ay rabshad ka waddo jaamacadda Bogazici

Tobankii sano ee ugu horreysay maamulka madaxweyne Erdogan, oo xukunka qabsaday sanadkii 2002-dii, ururrada bulshada rayidku waxay heleen nafis weyn maadaama dowladdu ay wadahadallo nabadeed kula jirtay kooxda PKK.

Waxaa sidoo kale la sameeyay isbadallo badan oo dhinaca siyaasadda ah, si Turkiga loogu oggolaado in uu ku biiro Midowga Yurub.

Kavala wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu caansanaa ee hor kacayay howlahaas, taasna waxay u keentay taageero gudaha iyo dibadda ah.

Markii uu billowday qulqulkii qaxootiga reer Suuriya, Kavala wuxuu maalgaliyay barnaamijyo badan oo lagu caawinayay dadkaas.

Sanadkii 2017-kii, isagoo saaran diyaarad u socotay magaalada Gaziantep – oo uu damacsanaa in uu ka daah furo mashruuc lagu taageerayo qaxootiga Suuriya – ayey xireen rag ka tirsan ciidamada amniga Turkiga oo la saarnaa isla diyaaraddaas.

16 bilood ayuu ku jiray xabsiga amnigiisa aad loo adkeeyo ee Silvri, ka hor inta aan dacwado lagu soo oogin. Erdogan ayaa ku eedeeyay in uu la shaqeynayay dad la sheegay in “ay Yuhuud yihiin” oo kasoo hor jeeda Turkiga.

Markii hore, waxaa lagu heystay dacwad la xiriirta in uu dowladda afgambin rabay isagoo maalgalinaya mudaharaadyadii Turkiga ka dhacay 2013-kii.

Erdogan ayaa Kavala u arka nin dowladdiisa kasoo hor jeeda
Erdogan ayaa Kavala u arka nin dowladdiisa kasoo hor jeeda

Inkastoo maxkamadda Xuquuqda aadanaha ee Turkiga iyo hayado badan oo u dooda xuquuqul- insaanka oo caalamiga ah ay sheegeen in sharci darro lagu xiray, sii deyntiisana dalbadeen, lama filayo in dowladda Turkiga ay dhageysato arrimahaas.

Dhageysigii ugu dambeeyay ee dacwaddiisa, dowladdu waxay ku kordhisay kiis la xiriira in uu taageerayay afgambigii Turkiga ku fashilmay 2016-kii.

Maxkamadda Midowga Yurub waxay sheegtay in ” Kavala loo ciqaabayo dhaleeceyn uu u jeediyay dowladda, ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in la aamusiyo, maadaama uu ahaa nin u dooda xuquuqda rayidka”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this