Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiye Wiish “Way Mahadsanyihiin Valencia iyo Villareal”

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxaha kubadda Cagta Valencia iyo Villareal ee ka ciyaara  horyaalka Kubadda Cagta Dalka Spain ee (La Liga) ayaa qalab isboorti ugu deeqay  uguna soo hambalyeeyay  guushii ay gaareen, degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee soo gaaray   fiinaalka tartanka kubadda cagta   degmooyinka Gobolka Banaadir,Iyagoo usoo marsiiyay  Ciidanka Spain ee katirsan  ciidamada Midowga Yurub.

147382502_3594464817285814_4982087840030

Munaasabaddda qalabka lagu doonsiinayay oo ka dhacday  xarunta ay  ciidamadan ka degaan yihiin  magaalada  Muqdisho,waxaa   goob joog ka  ahaa  Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Wiish iyo Madaxa Horumarinta isboortiga  Gobolka Banaadir Daa’uud Axmed Maxamed.

147917379_3594461260619503_6709503120072

“Bilihii la soo dhaafay saaxiibada beesha caalamka ee jooga dalkeena waxa ay da’daal iyo garb instaag ku bixiyeen horomarka iyo guulaha qeybaha kala duwan ee isboortiga Gobolka Banaadir,runtii waan ugu mahadcelinaynaa kaalintooda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Madaxa Horumarinta isboortiga  Gobolka Banaadir Mudane Daa’uud Axmed Maxamed.

147529999_3594465283952434_5860431070561

Guddoomiyaha Isboortiga  Gobolka Banaadir mudan Xasan Yabarow Wiish ayaa  labada koox uga mahadceliyay dhiirogelinta ay u sameeyay ciyaartoyda Soomaaliyeed  gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir, waxuuna intaa ku daray in maamulka isboortiga Gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka  guud ee Gobolka uu  sare u qaadi doono ,dadaalada uu  ku hormarinayo isboortiga Gobolka Banaadir.

147719472_3594464513952511_3014219871794

“Waan u mahadcelinaynaa kooxaha reer Spain ee mar walba garab taan horomarinta iyo guulaha ciyaaryahanada Gobolka Banaadir,runtii arinta waxa ay ka mid tahay shaqooyinkii horomarineyd uu wado xafiiska Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka mudane Xasan Yabarow Wiish.

148147848_3594464007285895_1273310249713

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Gobolka Banaadir

Guddoomiye Wiish “Tartanka Maamul Goboleedyada Waxaa Loo Qabtaa In Laga Helo Ciyaartooy Tayo Wanaagsan”

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this