Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo diiday in markale dib loo dhigo kiiska badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Dubbe ayaa intaa ku duray in Kenya ay ku doodeyso in Soomaaliya aysan xilligan ka jirin dowlad sharciyad u leh hogaaminta dalka.

“Waxay doonayaan inay ku disqualify-gareeyaan (buriyaan) kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wasiir Dubbe ayaa intaa ku duray in Kenya ay ku doodeyso in Soomaaliya aysan xilligan ka jirin dowlad sharciyad u leh hogaaminta dalka.

“Waxay doonayaan inay ku disqualify-gareeyaan (buriyaan) kiiskeena [iyagoo ku doodaya] Soomaaliya dowlad kama jirto,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Wasiirka  ayaa sidoo kale shaaciyey in dib u dhac horleh oo ku yimaada kiiska loo ballansan yahay 15-ka March ee sanadkan ay sumcad xumo ku noqon karto ICJ.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay  in ay saaka warqad u direen maxkamadda ICJ, taas oo ay ugu sheegeen inay diyaar u yihiin dhageysiga kiiska.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Kenya ka dalbatay maxkamadda cadaaladda adduunka ICJ in markii afaraad dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this