Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo guddoomiyey shirka wasiirada Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo mudo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhamaaday iyadoo la isku raacay in Jubaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arimaha Doorashada.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay Xaalada #covid_19 ee guud ahaan dalka oo sare u kac uu ku yimid iyadoo Wasaaradu ay soo bandhigtay qorshayaal lagaga hortago in uu ku faafo deeganada Jubaland.

Gudiga kobcinta dakhliga ayaa soo soo bandhigay guulaha ilaa hada ay ka gaareen shaqada ay hayaan iyadoo isbadalo muuqda laga gaaray shaqooyinkii u danbeeyay ee ay qabteen.

Dhinaca kale golahu wuxuu meel mariyay sadex xeer oo ay soo gudbisay Wasaarada Ganacsiga kuwaas oo kala ah.

  1. Xeerka maalgashiga Jubaland
  2. Xeerka shatiyada Jubaland
  3. Xeerka Shirkadaha Jubaland

Meel marinta Sadexdan xeer kadib waxaa loo gudbin doona golaha Baarlamaanka iyagoo ka doodi doona.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

149235000_1977433412397550_387321682501670645_o 149595254_1977433429064215_1247964480795386751_o shir-jarid-696x522

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this