Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag iyo dumar ku xirnaa BELEDWEYNE oo lasii daayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Hiiraan ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiska illaa 7 qof oo maalmihii lasoo dhaafay ku xirnaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa xorriyadooda dib ugu celisay todobaasi qof oo kala ahaa afar rag ah iyo saddex dumar ah, waxaan sidoo kale ay amartay in lasii daayo.

Cabdiraxiin Muxumed Taakoy oo ah guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hiiraan, kuna dhowaaqay go’aanka maxkamadda ayaa shaaciyey in dadkaasi lagu soo eedeyey kicin dadweyen, balse aan lasoo dhameystirin eedda loo heestay, sidaasina lagu sii daayey.

Todobada qof ee maanta dib u helay xorriyadooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa, Cali Daahir Xerow, Xasan Cabdi Guure, Maryan Aadan Hilowle, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cilmi, Deeqo Cabdi Waare iyo sidoo kale Xasan Cabdiraxmaan Maxamed.

Dacwadda ka dhanka ah dadkan ayaa maalmo soo jiitameysay, waxaana xarigooda uu ka dhashay, kadib dibad-baxyo lagu taageerayey Genaral Xuud oo ka dhacay Beledweyne.

qoraalka-siideynta.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this