Deeq A. Posted February 11, 2021 Wararka ka imaanaya deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in rasaas goos goos ah xalay laga maqlaayo xaafaddaha degaankaasi. Rasaasta ayaa waxaa is-waydaarsanayey maleeshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee isla gobolkaasi. Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda dhexe ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo ku aadan sidii loo joojin lahaa colaada ka taagan degaankaasi. Sidoo kale waxaa wali socdo dadaallo nabadeed, iyadoona waxgaradka labada dhinac ay ku baaqayaan in la joojiyo dagaalka. Xaaladda ayaa saaka degan, balse dadka deegaanka ayaa mar-kasta cabsi ka muujinayo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites