Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino kasoo baxaya duqeymo ka dhacay Jubbada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya duqeymo xoogan oo ay xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeymaha oo afar ahaa, islamarkaana is xig-xigay ayaa ka kala dhacay degmada Saakow iyo deegaanka Salagle ee gobolkaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeyntan dhanka cirka ah oo ay si wadajir ah u fuliyeen diyaaraha dagaalka Mareykanka & ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in weerarkan lagu burburiyey goobo  qaraxyo lagu diyaarinayey, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidanka Danab.

Inta badan Mareykanka ayaa duqeymo diyaaradeed ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this