Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqaymo culus oo xalay ka dhacay degmada Saakow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe, ayaa sheegaya in xalay halkaas laga maqlay duqaymo culus oo ka dhan ah Al-shabaab.

Bulshada ku nool degmada Saakow iyo nawaaxigeeda, ayaa laga soo xigtay in duqaymo xooggan xalay saqdii dhexe laga maqlay degaanka, inkastoo aan weli faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay.

Duqaymaha oo la rumaysanyahay in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka, ayaa lala beegsaday xarumo Al-shabaab ku leeyihiin degmada saakow, sida ay sheegeen dadka degaankaas.

PUNTLAND POST

The post Duqaymo culus oo xalay ka dhacay degmada Saakow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this