Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gobolada Bari iyo Gardafu

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada badda dowladda Puntland ee loo yaqaan PMPF, ayaa maanta oo Khamiis ah hawgal qorshaysan ka fuliyay degmooyin ka tirsan Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Hawlgalka waxa laga fuliyay degaannada Buruc, Bacaad, Qandalaha Dhurbo iyo Xaabo oo dhammaantood ka tirsan Gobolada Bari iyo Gardafuu.

Qoraal kooban oo ka soo baxay PMPF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas bartil-maameedkiisu ahaa Kalluumeysiga sharci-darrada ah, Argagixisada iyo Burcad-badeedda.

Waxaase xusid mudan, in Ciidanku aysan sheegin cid lagu qabtay hawlgalkaas, inkastoo ay ballan-qaadeen in ay sii wadi doonaan hawlagallada.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay Gobolada Bari iyo Gardafu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this