Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiddigii hore ee ciyaaraha NBA Stephen Jackson oo qaatay diinta Islaamka+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiddigii hore ee ciyaaraha NBA Stephen Jackson oo qaatay diinta Islaamka

 jacson.jpg

Xiddigii hore ee ciyaaraha NBA-da Maraykanka Stephen Jackson ayaa baraha bulshada ku shaaciyay inuu qaatay diinta Islaamka.

Waxaa uu uga mahadceliyay heesaaga Mareykanka Tone Trump taageeridiisa iyo sidoo kale haweeney reer Canada ah oo hibo u siisay rooga salaada.

Wuxuu sheegay in dilka saaxiibkiis dhow George Floyd uu sidoo kale saameyn ku yeeshay go’aankiisa. ⁣

⁣Wuxuu sidoo kale cajalad muuqaal ah soo dhigay baraha bulshada isagoo aqrinaya iclaamka islaamka ee shahaada.

42 jirkan ayaa baranayey diinta islamaka muddo dhowr bilood ah laakiin haatan si rasmi ah ayuu diinta islaamka u qaatay.⁣

Jackson, oo ka fariistay Xiriirka Kubadda Koleyga Qaranka (NBA) sanadkii 2015 ka dib 14 sano oo uu shaqeynayay, ma ahan ciyaaryahankii ugu horreeyay ee NBA ee diinta Islaamka qaata. Halyey Karem Abdul-Jabbar ayaa qaatay diinta islaamka sanadkii 1968 ka hor inta uusan galin NBA.

5ed80fdb4dca682c42412276.jpg

 

91326-scaled.jpgresized_0088b-e275b4bdjacksonasil.jpg Stephen-Jackson-1-scaled-1.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this