Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Arrimood oo Farmaajo ku fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar Arrimood oo Farmaajo ku fashilmay

 

WhatsApp-Image-2021-02-09-at-20.41.336.jGuushii Madaxweyne Farmaajo, 8 Febraayo 2017

Afar sano ka hor bishii 8 Febraayo 2017 ayaa xildhibaannada labada Aqal  ee Baarlamaanka Federaalka u doorteen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya.

Haddaba, maqaalkan waxaan ku eegi doonaa afar caqabadood oo afar sano ka hor taagtaa, welina taagan, oo madaxweyne Farmaajo ka qaabiyay waxka qabashadoooda.

Xasilooni siyaasadeed

Afartii sano ee xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dalka kama jirin xasilooni siyaasadeed oo isku raacsan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Waxaa mudada xil haynta madaxweyne Farmaajo bilow iyo dhammaadba tagnaa khilaaf u dhaxeeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, kaas oo ka bilowday khilaafkii Khaliijka ee Juun 2017.

WhatsApp-Image-2021-02-09-at-20.41.332.jShirkii Baydhabo ee madaxda Soomaaliya, Jun 2018

Faragelintii federaalka ee doorashooyinkii dowlad goboleedyada iyo in shakhsiyaad dowladdu wadato lagu soo saaro, waa tan keentay kala qeybsanaanta iyo kala shakiga dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Madaxweyne Farmaajo oo xiligii uu musharraxa ahaa sheegay in uu noqon doono ‘nabadoon’ ayaa ku guuleysan in ay wada shaqeyn fiican yeeshaan madaxda dowlad goboleedyada.

Khilaafka dowladda dhexe iyo gowlad goboleedyada inta badan wuxuu salka ku hayaa qodobo dastuurka ku qoran oo aanan la isku fahamsanayn.

La dagaalanka Al-shabaab

Qodobadii ugu waaweyn ee Madaxweyne Farmaajo ku ololeynayay, markii uu ahaa musharraxa waxaa kamid ahaa amniga dalka, waxaana aad loo xasuustaa khudbadii uu baarlamaanka ka horjeediyay ee ku ballanqaaday in uu soo afjaridoono dagaalka Al-shabaab.

Ma jirto mudadii uu xilka yahay Farmaajo dagaalo waaweyn oo looga guuleystay iyo degaano laga qabtay Al-shabaab, taas baddelkeeda Al-shabaab ayaa dalka ka geystay weeraradii ugu waaweynaa iyo go’doomin deegaano dowladdu maamusho.

WhatsApp-Image-2021-02-09-at-20.41.33.jpQaraxii Soobe 14 October 2017, waxaa ku dhintay dad ka badan 500 oo rayida

Heshiiskii bishii Maajo 2017 ee shirkii London wuxuu dhigayay in la dhiso ciidamo qaran oo isku dhaf ah oo tiradoodu tahay 18,000, kuwaas oo la rabay in ay ka qeybqaataan sugida amniga dalka, qorshahaas ilaaa hadda ma hirgelin.

Wada shaqeyn la’aanta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa kamid ah sababaha guul looga gaari la’yahay dagaalka Al-shabaab, sida ay qabaan khubarada milateriga.

Dib u eegista dastuurka

Howlihii ugu muhiimsanaa ee la rabay in wax laga qabto afartii sano ee la soo dhaafay waxaa kamid ahaa dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, balse arrintaas dowladda waa ku guuldareysatay.

Dastuurka kumeelgaarka waxay ahayd in baarlamaanka 11aad ee hadda wakhtigu ka dhammaaday ay dhameystiraan ka hor inta aan afti dadweyne loo qaadin.

Qodobada ugu waaweyn ee la rabay in dastuurka looga heshiiyo waxaa ka mid ah qeybsiga kheyraadka, hannaanka dowladnimada, maqaamka Muqdisho iyo nooca federaal ee uu dalka qaadanayo, qodobadaas oo dhammaantood aysan isku fahamsanayn dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

WhatsApp-Image-2021-02-09-at-20.41.331.jDastuurka hadda dalka lagu dhaqo oo kumeelgaarka ah waxaa la ansixiyay August 1, 2012

Wakhtiga dastuurka kumeelgaarka ayaa ku ekaa 27 bishan Disembar 2020, waxaana xeer madaxweyne oo uu soo saaray madaxweyne Farmaajo 24 Disembar 2020 dib ugu dhigay ansixinta wax ka badalida dastuurka.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa xeerka madaxweynaha ku tilmaamay mid sharci daro oo lagu hor-istaagay xil gudashada baarlamaanka fedaraalka, madaama dib u dhigista aysan dalban labada Aqal ee baarlamaanka.

Doorasho wakhtigeeda ku dhacda

Madaxweyne Farmaajo waxay ahayd in uu afarta sano ee uu xilka hayo dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah, taas iska daaye xataa wuxuu gaarsiinwaayay doorasho dadban oo ahayd tii lagu doortay.

Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa la soo bandhigay saddex nooc doorasho oo aan midna shaqeyn, kuwaas oo kala ahaa; matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (proportional representation-closed list) oo ku heshiiyeen 2018 dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, hal deegaan doorasho iyo liiska xiran (Single Constituency and Close List) oo Baarlamaanku ansixiyay 2019 iyo doorasho dadban oo ay ku heshiiyeen dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe dhammaadkii 2020.

17-SEPTEMBER-2020.jpg?resize=600%2C337&sHeshiis doorasho oo ay madaxda Soomaaliya gaareen 17 September 2020, haddana waa la isku khilaafay

Baarlamaanka 11-aad ee weli fadhiya waxaa xilhayntoodu ku ekeyd 25 bishii Disembar ee sanadkii hore, halka madaxweyne Farmaajo afartii sano ee dastuuriga ahayd ku ekeyd isniintii 8 Febraayo 2021.

Iyadoo baarlamaanka iyo madaxweynaha wakhtigu ka dhammaaday ayaa hadana ilaa xiligan uusan jirin heshiis doorasho oo ogol lagu wada yahay.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this