Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ergo Odoyaal ah u dirsadey Isimada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen, Maxamed Cabdullaahi Farmasjo ayaa Odoyaal ka socda Beeshiisa wuxuu ergo ahaan ugu diray Isimada Puntland.

Qaar kamida Ergada ka socda Madaxweynsha Xilkiisu dhamaadey oo Khadka teleefoonka kula xiriiray Qaar kamid Isimada Puntland ayay ka codsadeen in Madaxweyne Deni lagu Cadaadiyo inuu taageeri Madaxweyne Farmaajo, isla markaadna lawadahadalsiiyo Madaxweynaha Jubbaland.

Sida aan Xogta ku heyno Isamada la hadley Ergada ka Socda Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxay hoosta ka xariiqeen ineysan qayb ka noqoneyn Muranka Siyaasadeed ee Muqdisho ka jira isla Markaasna ay Haboontahay wixii Siyaasada in lagala hadlo Saciid Cabdullaahi Deni oo ah Ninka ay Bulshada Puntland u dooratay Arimaha Siyaasada.

Isimada Puntland waxay soo dhaweeyeen iney ka qayb qaadanayaan xalinta Khilaafka Jubbaland si nabadeyn ah, Balse Arimaha Siyaasada ee hada taagan ay u yaalaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, Guud ahaan.

Isimada Puntland waxay kaloo sheegeen inay ay ka qayb qaadanayaan Doorka ay ku leeyihiin Doorashada sida ku cad Heshiisyada ay Soomasli wada galeen,

Sida hada Muuqata Madaxweymaha Xilkiisu dhamaadey wuxuu Raadinayaa qaab walba oo uu kursiga kusii joogi karo isagoo hada isku dayay inuu Ciyaaro qaab beeleysan.

Puntlandi.com Bosaso

The post Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ergo Odoyaal ah u dirsadey Isimada Puntland appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this