Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalo Barakaysan oo ku Taalla Dal Islaama oo loo aqoonsaday Magaalada ugu caafimaadka fiican Dunida

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalo Barakaysan oo ku Taalla Dal Muslimaa oo loo aqoonsaday Magaalada ugu Bedqabka & Caafimaadka fiican Dunida oo dhan

Magaalada Barakaysan ee Madiina Al-minawara ee kutaala Boqortooyada Sacuudiga ayaa loo aqoonsaday hormuudka magaalooyinka ugu bedqabka iyo caafimaadka fiican dunida oo dhan,sida ay shaacisay Hey’adda WHO.

Waxaa ku nool  magaalada Madiina tiro ku dhow 2 milyan oo dad ah, laakiin waa magaaladii ugu horreysay oo loo aqoonsado midda ugu caafimaadka fiican dunida kadib qiimeyn lagu sameeyay.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO waxay sheegtay in magaalada Madiina ay la kulantay dhammaanba shuruudihii lagu xulan kari lahaa magaalo bedqabsan oo leh tayo caafimaad oo la isku haleyn karo.

madina.jpg

Dadka u dhashay Sacuudiga iyo muslimiinta aduunka ayaa tallaabadan Madiina loogu aqoonsaday hormuudka magaalooyinka ugu bad qabka iyo caafimaadka fiican kusoo dhaweeyey farxad iyo bogaadin.

Madiina oo ah magaalada labaad ee Islaamka, waxay dhacdaa gobalka Xijaaz oo qiyaastii 500Km waqooyi kaga beegan magaalada barakaysan ee Makka.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this